spot_imgspot_imgspot_img

Janaraal Hore oo ka hor yimid istaraatiijiyadda ee Raysal Wasaaraha israil ee Gaza

Xubin muhiim ah oo ka tirsan golaha dagaalka ee Israa’iil ayaa ku eedeeyay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu inuusan ka run sheegin hadafyada militari ee dalkaas ee Gaza

 

Mr Netanyahu ayaa si cad u diiday baaqyada Mareykanka ee ah in laga fekero mustaqbal dal ay Falastiin yeelato, wuxuuna ku adkeystay in dagaalku uu socon doono “ilaa laga gaaro guul dhammeystiran”

 

Balse Gadi Eisenkot – oo wiilkiisa lagu dilay Gaza – ayaa sheegay in dadka u ololeynaya “ka adkaansho dhab ah” oo Xamaas laga adkaado “aysan ka hadleynin runta”

 

Janaraalkan howlgabka noqday ayaa sidoo kale sheegay in Netanyahu uu wax ku leeyahay mas’uuliyadda ku guul-darreysashada in dalka laga difaaco weerarkii 7 Oktoobar wuxuuna ku baaqay doorashooyin cusub, isagoo xusay inaysan “aaminaad” ka dhex jirin hoggaanka haatan ee Israa’iil

 

Xamaas ayaa dishay qiyaastii 1,300 oo qof waxayna qafaalatay 240 kaddib weerar kedis ah oo ay ku qaadday koofurta Israa’iil.

 

WARARKA