spot_imgspot_imgspot_img

Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

Sabti jan-20 2024-{HMC} Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta oo Sabti ah fadhioodi caadiga ahaa isugu yimid, waxaana shir guddoominaayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Axmed Siciid.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa ansixiyey guddiga joogtada ah ee baarlamaanka kaas oo ka kooban 10 xubnood oomadax gudiyeedyo iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada iyo labadiisa ku xigeen.

 

Waxaa si rasmi ah loo dhammeystiray xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, kadib soo gudbinta Xildhibaannada.

 

Waxaana gobolkasta Golaha u soo gudbiyey xubnaha uga mid noqonaya Guddiga Joogtada ah, kuwaas oo kala ahaa:

 

Golaha wakiilada Puntland ayaa ansixiyey guddiga joogtada ah ee baarlamaanka kaas oo ka kooban 10 xubnood oomadax gudiyeedyo iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada iyo labadiisa ku xigeen.

 

Waxaa si rasmi ah loo dhammeystiray xubnaha Guddiga joogtada ee Golaha Baarlamaanka  Puntland, kadib soo gudbinta Xildhibaannada.

Waxaana gobolkasta Golaha u soo gudbiyey xubnaha uga mid noqonaya Guddiga Joogtada ah, kuwaas oo kala ahaa:

1-Maxamuud Shire Cismaan
2-Maxamed Siciid Cali
3-Maxamuud Dhakuul Xirsi
4-Cabdiweli Yuusuf Warsame
5-Cabdicasiis Axmed Saalax (Dhahar)
6-Xasan Yuusuf Majabe
7-Mowliid Abokor Caafi
8-Xassan Ducaale Cali (Dhagax-tuur)
9-Yaasiin Jaamac Cumar
10-Cabdirisaaq Jaamac Aadan

Guddiga joogtada ah ayaa ka kooban Guddoomiyaha, Labada Guddoomiye ku-xigeen iyo 10 Madax Guddiyeed, sida uu qabo Xeer-hoosaadka Baarlamaanka Maamulka Puntland.

 1-Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.                                   2-Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah.
3-Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha.                                                                              4-Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.
5-Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada.
6-Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka.
7-Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.
8-Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.
9-Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah.
10-Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha qoyska.

WARARKA