spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Magaalada Muqdisho oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha Dugsiga Farsamada.

Sabti jan-20 2024-{HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta oo laga hirgalin doonno Degmada Wadajir, kaas oo ay si bilaash ah wax uga baran doonan dadka Danta-yar.

Munaasabadda dhagax dhiga Dugsigaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Safiir Kuxigeenka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Armaan Ardoga, Maamulka Degmada Wadajir iyo xubna ka socday hey’adda SAFA oo fulinta mashruucan qeyb ka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa sheegay in barashada Farsama Gacanta ay ka mid tahay wax yaabaha ugu muhiimsan ee uu Dal ku horumaro, islamarkaana uu Maamulka Gobolka dhiiragalin doonno howlaha Farsamada gacanta.

WARARKA