spot_imgspot_imgspot_img

Saddex qof oo lagu dilay deegaanka Ina Afmadoobe ee Soomaaliland

Jimco jan-19 2024-{HMC} Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa geeriyooday, saddex kalena way dhaawacmeen kadib markii uu nin hubaysani dad shacab ah xabad ku furay deegaanka Ina Afmadoobe ee gobolka Togdheer ee Somaliland.

Gudoomiyaha degmada Qoryoole Xabiib Cige ayaa sheegay in nin uu dad shacab ah xabad ku furay, Cige waxa uu intaa ku daray in ninka dilka gaystay la qabtay.

Waxa kale oo uu sheegay in ninka dilka gaystay ay rumaysanyihiin in uu maskada ka buko, taasina ay ku kaliftay in inta uu qori qaato uu dad shacab ah xabad ku furo.

Marka laga yimaado hadalka maayarka ma jiraan ilo kale oo ilaa hada faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sida uu dilku u dhacay.

WARARKA