spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa ka jira in ay wada kulmeen Laftagareen iyo ninkaan ka yimid Itoobiya?

Jimco jan-19 2024-{HMC} Madaxtooyada dawlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa warbaahinta u xaqiijisay in uuna jiran kulan dhexmaray madaxweyne laftagareen iyo mid kamid ah odayaasha dhaqanka qoomiyadda Oromada.

Afhayeenka Maamulka Koofur-Galbeed, Maxamed Cali Ibraahim, ayaa beeniyay warka sheegaya kulan dhexmaray madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo ninkaan la socday wafdiga odayaasha ah ee ka yimid dalka Itoobiya.

Isaga oo la hadlay BBC da ayuu sawirka baahay ee la isku weydaarsanayay baraha bulshada ku tilmaamay in uu yahay mid been abuur ah.

Isha uu ka yimid sawirkaan ayaan sidoo kale ahayn mid la xqiijin karo ilaa iyo haatan.

Halkee ku sugnaa madaxweyne Laftagareen maalmihii la soo dhaafay?

Sida ay BBC da u sheegtay madaxtooyada dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa mudooyinkaan danbe ka maqnaa deeganada uu ka arimiyo maamulkiisa, iyo guud ahaan Soomaaliya.

madaxtooyada ayaa sheegtay in madaxweyne Laftagareen uu aaday dalka Sacuudi carabiya, gaar ahaan magaalada Makka, si uu ugu cumraysto dhulka barakaysan.

Intuu halkaas ku sugnaa ayay sidoo kale sheegtay madaxtooyadu in uu ka qayb galay shirkii golha wadatasiga qaran ee degdega u dhacay, kaas oo looga arrinsanayay heshiiskii ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

Intaas kadib ayay sheegeen in uu u safray waddanka Turkiga, halkaas oo uu waqti kula qaatay qoyskiisa iyo dad kale oo uu kulamo la yeeshay.

Madaxtooyada faahfaahin kama aysan bixin cidda uu la kulmay iyo waqtiga uu ku sugnaa halkaas intaba.

Madaxweynaha Lafatgareen ayaa haatan ku sugan Caasimadda dalka Kenya ee nairobi. Madaxtooyada ayaa sheegtay in uu kulamo la qaatay dad kale, balse wax ay ku adkaystay in uusan ka mid ahayn ninkaan hadal haynta dhaliyay.

Xigasho BBC

WARARKA