spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u duulay magaalada Qaahira kaddib casuumadii Madaxweyne Al Siisi

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda, isagoo ku sii jeeda magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Xasan Sheekh ayaa aaday magaalada Qaahira kaddib casuumad uu isbuucii hore ka helay dhigiisa dalka Masar Cabdifitaax Al Siisi, waxa uuna madaxweynaha kulan gaar ah kula qaadan doonaa Qaahira inta uu joogo madaxweyne Al Siisi iyo masuuliyiin kale.

Casuumadda madaxweynaha dalka Masar u fidiyay dhiisa Soomaaliya ayaa timid ,kaddib markii dowladda Itoobiya ku xad-gudbtay midnimadda Soomaaliya ayna heshiis beenaad la gashay maamulka Somaliland.

Dowladda Masar oo khilaaf kala dhaxeeyo Itoobiya ayaa si buuxda u taageertay Madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana ay si weyn cambaareysay heshiiskii muranka dhaliyay ee Ra’isul Itoobiya la saxiixday Madaxweynaha Somaliland.

WARARKA