spot_imgspot_imgspot_img

Hadalo kulul oo ay is dhaafsadeen Masar, Itoobiya, Soomaaliya iyo Somaliland shirkii Jaamacadda carabta ee shalay kadib

Jimco jan-19 2024-{HMC} – Shirkaas oo uu ka soo baxay war-murtiyeed ayaa wadamada ku bahoobay Ururka waxay isla garteen, 1.in la xoojiyo taageerada amni, xassiloonida, midnimada, madax-banaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliya isla markaana Soomaaliya ay xaq u leedahay inay si sharci ah ku difaacdo dhulkeeda.

2.In ururku si buuxda u taageerayo mowqifka dawladda Soomaaliya ee ku aadanheshiiskii is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland.

3, In ay ku taageerayaan Soomaaliya inay arrintan u gudbiso Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunka.

Balse war-murtiyeedkaas kadib ayaa waxaa hadal soo saaray wasaaradda arimaha dibadda Masar, kaas oo kiciyay falcelin ka timid dhinacyada oo dhan.

Maxay tiri Masar?

Wasiirka arimaha dibadda ee Masar, Sameh Hassan Shoukry ayaa shirkii Ururka jaamacadda carabta kadib sheegay in dawladda Masar ay si buuxda u garab taagan tahay dawladda Soomaaliya, balse wuxuu dhanka kale diginin u jeediyay dawladda Itoobiya, isaga oo sheegay in “In ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto xadgudubka ay ku sameyneyso shuruucda caalimga ah”.

Balse intaas oo kaliya hadalka kuma ekeen. Waxaa kale oo uu raaciyay “In Itoobiya ay noqotay ila ay ka soo bulaasho xasilooni darrada ka jirta gobolka geeska Afrika”.

Wuxuu mar kale ku celiyay taageerido buuxda ee masar ay la garab tagaan xornimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Kadib hadalkaan ka soo baxay Masar, Itoobiya waxa ay jawaab ka bixisay qodobada laga soo saaray shirkii ay yeesheen wadamada ku bahoobay jaamacadda Carabta iyo sidoo kale hadalkii ka soo yeeray wasiirka arimaha dibadda ee Masar. Iyaga oo si adag uga hadlay.

Maxay tiri Itoobiya?

Itoobiya waxay sheegtay in ay ‘diiday’ go’aankii ka soo baxay Ururka Jaamacadda carabta ee quseeyay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxaysa.

War ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda ee Itoobiya, ayaa si adag waxay u diideen dhamaan qodobadii ka soo baxay shirka oo ahaa mid aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen wasiirada arimaha dibadda ee dawladaha ururka.

Wasaaradda ayaa waxay ku tilmaamtay qodobada ka soo baxay shirka, “Isku day faraglineed oo la doonayay in la faragaliyo arimaha gudaha iyo madaxbanaanida dalka itoobiya.

Afahayeen wasaaradda Males Alem, ayaa sheegay in go’aanku yahay ‘mid aan la aqbali karin’, Itoobiyan ay iska diiday. Sidoo kale wuxuu dhaliil u jeediyay wasiirka arimaha dibadda ee Masar. Wuxuu ku dhaliilay hadalkii ka soo yeeray ee ahaa in itoobiya ay xasilooni darro abuureyso oo ay xaalka uga sii darayso.

Dhanka kale Somaliland ayaa iyana ka hadashay go’aanka ka soo baxay shirkaan.

Maxay tiri Somaliland?

Somaliland ayaa sheegtay in warkii ka soo baxay kulankii ururka jaamacadda Carabta uu yahay mid aan cadaalad ahayn, kana soo horjeeda xuquuqdeeda madaxbanaanida.

War ay soo saartay Somaliland ayaa ku sheegtay inay ka soo horjeedo qodobada ka soo baxay shirka.

Warkaan ayay Somaliland ku dooday in go’aanka madaxbanaanida Somalland uu yahay mid aan wadahadal laga galin Karin.

“Dadka reer Somaliland, waxay diyaar u yihiin in ay sii wadaan halgankooda si ay u gaaraan yoolkooda, iyada oo aan loo eegayn waxa ay ku kacayso iyo inta qaadan doonto intaba,” ayay Somaliland ku tiri warkaan ay soo saartay.

Soomaaliya iyo Booska ay haatan taagan tahay

Soomalaiya shalay waxay ka qayb gashay shirkaan, iyada oo sheegtay in xadgudub lagu hayo madaxbanaanideeda, kadib heshiiska muranka badan dhaliyay ee Itoobiya ay la gaashay Somaliland.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa yiri: “waxaana idiin xaqiijineynaa in itoobiya aysan naga hor istaagi karin hadafkeena ah ku soo dabaalka shacabka Soomaaliyeed in uu ku noolaado horumar iyo barwaaqo”.

Balse shir ka dhacay shalay magaalada Adis Ababa, kaas oo ay yeesheen Golaha Amaanka ee Midowga Yurub ayaa looga hadlay xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qodobada ka soo baxay ayaa waxaa kamid ahaa in dhexdhexaadiyo loo xilsaaro Olusegun Obasanjo – oo horay dhexdhaaxdiye uga noqday kiisas dhex maray wadamo badan oo Afrikaan ah, arrinta haatan ka dhex taagan labada waddan.

Shirkaas kadib ayaa Soomalaiya waxay soo saartay war ay ku leedahay sheegeyso in uusan jirin wax wadahadal ah ama dhexdhexaadin ah oo ay ka galayso MoU ga, ilaa ay Itoobiya ka noqoto go’aankii ay ku saxiixday heshiiska.

Waxaa magaalada Kampala ee dalka Uganda ka socday shirar looga arrinsanyo xiisadda itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo uu kamid yahay shirka madaxda wadamada IGAD oo manta ka furmay Uganda.

XIGASHO BBC.SOMALI

WARARKA