spot_imgspot_imgspot_img

Soomaaliya oo shuruud ku xirtey in ay wadahadal la gasho Itoobiya

Khamiis jan-18 2024-{HMC} – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa meesha ka saartey in wadahadal lala furayo Itoobiya illaa ay ka laabaneyso heshiis-beenaadka ay la gashay maamulka Somaliland.

Hadalkan ayaa waxa uu imaanayaa xilli Midowga Afrika gaar ahaan golahiisa ammaanka iyo nabadda uu soojeediyay in Muqdisho iyo Addis Ababa ay miiska dushiisa ku xaliyaan is-maan-dhaafkooda.

 

Balse, war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in aysan suurtagal ahayn wadaxaajood ayna imaan karto marka la laalo heshiiskaas.

 

“Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay dhammaan dalalka xubnaha ka ah AU, UN, iyo IGAD ay la yeelato xiriir faa’iido u leh labada dhinac kaasoo ku saleysan sharciga caalamiga ah oo horseedi kara horumar dhaqaale iyo barwaaqo la wadaago,” ayaa lagu soo xiray bayaanka.

WARARKA