spot_imgspot_imgspot_img

Qaramada Midoobay oo War ka so Saartay Diyaarad ku dhacday Ceel-Barde

Khamiis18 Jana 2024–{HMC} Diyaarad xamuul ah oo Qaramada Midoobay qandaraas kula jirta ayaa maanta iyadoo degaysa ku soo dhacday garoonka diyaaradaha ee Ceel-Barde ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Diyaaradda ayaa sahay bini’aadantinimo u daabuleynaysay Hay’ada Cunada Aduunka WFP markay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhintay laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa tacsi u diraysa qoyska iyo asxaabta uu ka geeriyooday dhibanaha, waxayna kuwa dhaawacmay u rajaynaysaa caafimaad degdeg ah.

Qaramada Midoobay waxay la shaqeyneysaa shirkadda diyaaradda qandaraaslaha ah iyo mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si loo baaro dhacdada.

WARARKA