spot_imgspot_imgspot_img

Pakistan oo duqeymo ka fulisay gudaha Iran

Arbaco jan-17 2024-{HMC} — Wasaaradda arrimaha dibadda ee Pakistan ayaa sheegtay in Pakistan ay duqaymo ka fulisay gudaha Iran Khamiistii oo ay ku bar-tilmaameedsatay kooxo gooni u goosad ah, laba maalmood ka dib markii Tehran ay ku dhawaaqday inay weerartay saldhigyada malayshiyaadka xiriirka la leh Israel ee ku sugan gudaha Pakistan.

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in dhowr gantaal ay ku dhufteen tuulo ka tirsan gobolka Sistan iyo Baluchestan oo xuduud la leh Pakistan, waxaana ku dhintay saddex haween ah iyo afar carruur ah oo dhammaantood aan Iran u dhalan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Pakistaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “tiro argagixiso lagu dilay intii uu socday howlgalka oo lagu saleeyay xog sirdoon”, iyadoo ku tilmaantay weerarro xiriir ah oo si heer sare ah loo agaasimay oo lala beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen argagixisadu.”

“Pakistan waxa ay si buuxda u ixtiraamaysaa madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Ujeeddada kaliya ee shaqada maanta loo qabtay waxay ahayd in aan raadinno ammaanka Pakistan iyo danaha qaranka, taas oo ah mid aad u muhiim ah oo aan la carqaladayn karin.” ayay tiri wasaaradda arrimaba dibada ee Pakistan.

Ilo ka tirsan sirdoonka Pakistan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in duqaymahaasi ay fuliyeen diyaarado militari.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka caasimadda Pakistan ee Islamabad, ayaa yiri: “Ciidamadeenu waxay qaadeen weerarro lagu bartilmaameedsanayo dagaalyahannada Baloch ee ku sugan gudaha Iran.”

WARARKA