spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada ammaanka ee dalka Uganda oo xiray guryaha labada siyaasi ee mucaaradka ku ah Dowlada dalkaas

Khamiis jan-18 2024-{HMC} Ciidamada ammaanka ee dalka Uganda ayaa xiray guryaha labada siyaasi ee mucaaradka ku ah Dowlada dalkaas, ka hor dibadbax la qorsheynayo inuu ka dhaco caasimadda Kampala.

Kizza Besigye iyo xidigii hore ee fanka ninka la gu magacaabo Bobi Wine ayaa labaduba sheegay in askarta iyo saraakiisha booliiska ay ka hortagayaan inay baxaan oo ay u diideen inay guryahooda ka baxaan.

Labadan nin ayaa waxay ku baaqeen dibadbax ay ku dalbanayaan in dowladda ay hagaajiso waddooyinka magaalada. Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in la qaaday tallaabooyin lagu joojinayo labadan nin oo ay sheegeen inay kicinayaan dadweynaha iyagoo qabanaya shirar aan sharci ahayn iyo bannaanbaxyo siyaasadeed.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dowladda Uganda ku eedeeyay in ay xirxirtay dadka darbi-jiifka ah iyo in ay burburisay dukaanno ku yaalla hareeraha waddooyinka, ka hor laba shir oo caalami ah oo ka dhacaya Kampala.

WARARKA