spot_imgspot_imgspot_img

Ururka Jamacadda Carabta oo maanta ka Shiray Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Axadi shaaciyay shir deg deg ah oo dhanka fogaan aragga ah, kaas oo looga hadlayo khilaafka u dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ,kadib heshiiskii is-afgarad ee Addis Ababa ku dhex maray Itoobiya iyo Somaliland

 

Ku xiigeenka xoghayaha guud ee jaamacadda carabta, Hossam Zaki, ayaa sheegay in ururka Jaamacadda Carabta shirkaas qaban doono maanta, 17-da bishan Janaayo, sida ay ku soo warrantay wakaaladda wararka dalka Masar ee MENA

 

Hossam Zaki ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saari doono cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska ‘sharci darrada ah’ ah ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya

 

Waxaa uu sheegay in Morocco ay shir gudoomin doonto shirkaasi, isagoo intaa ku daray in go’aanka qabsoomidda shirka uu ku yimid codsi ka yimid Soomaaliya oo ay taageereen ilaa 12 dal oo Carbeed

 

Waxaa uu sidoo kale xoojiyay taageerada uu ururka hore ugu muujiyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib heshiiskii is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya

 

Qoraal hore uga soo baxay ururka Jaamacada Carabta ayaa lagu yiri “ma aqbali doonno” heshiis kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida Soomaaliya

 

Kamal Rushdi, oo ah afhayeenka Jaamacadda Carabta, ayaa yidhi, “Jaamacadda Carabta waxay si buuxda u taageersan tahay qaraarkii kasoo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya ee lagu caddeeyay mowqifka Soomaaliya ee heshiiska is-afgaradka ah ee ay wada gareen Itoobiya iyo Somaliland”.

WARARKA