spot_imgspot_imgspot_img

Jaamacadda Carabta oo sheegay in ay ku taageereyso Dawladda Soomaaliya Difaaca Midnimada iyo Madaxbanaanideeda

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Jaamacadda carabta oo sheegay in ay ku taageereyso Dawladda Soomaaliya dariiqkasta oo ay ku difaacanayso midnimada iyo

Madaxbanaanideeda dhuleed iyaga oo muujiyay sida ay u diidanyihiin xadgudubka Ethiopia.

Shir deg deg oo ay isugu yimaadeen Wasiirada arrimaha dibadda dalalka jaamacadda carabta Shirkaas oo looga arinsanayay heshiiskii sharci darada ahaa ee Itoobiya lagashay maamulka gobolada waqooyi ee dalka waxaa ka soo baxay Qaraarka No. 8988 .

Kadib markii la dhageystay khudbadii Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee furitaanka kalfadhiga aan caadiga ahayn ee maanta la qabtay waxaa ka soo baxay go’aanadaan.

 

1. In la xoojiyo taageerada amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, sido kale la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya ee berriga, badda iyo cirka, Soomaaliya xaqa ayay u leedahay inay si sharci ah udifaacdo dhulkeeda.

sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qarameedka Qaramada midoobay iyo kan Jaamacadda Carabta, iyadoo la raacayo sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo qodobbada Axdiga Qaramada Midoobay, Waddamada Carabta ee ay khusayso, waxay isku raaceen inay ka taageeraan Soomaaliya tallaabo kasta oo ay go’aansadaan inay qaadaan.

2. si isku duubni iyo taageero buuxda oo lala garab istaago mowqifka dawladda Soomaaliya ee u aadan “Heshiiskii Is-afgaradka” ee 1/1/2024 ay ku wada saxeexdeen Itoobiya iyo Deegaanka maamulka “Somaliland” u yahay waxba ka jirin oo aan la aqbali Karin, tasoo ka dhigan xad-gudub bareer ah oo loo geystay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,

3. In laga horyimaada si cad ficil kas ku lid ah ku xad-gudub ku qarannimada Soomaaliya, ama isku dayga in laga faa’iidaysto Xaaladda gudaha taas khadar ku ah dadaalad wada xajooka u dhaxeey somaaliyada.

4. In somaliya latageero , Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gudbiso Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda, .

5. Inga qaato Diidmo buxday ka fa’idaysa Heshiiskii Is-afgaradka “ kaasoo Xukumada somaliya ku tilmaad waxba ma jiraan ,

6. Dib-u-xaqiijinta mawqifkii Carabta ee muddada dheer soo jiray ee ah in dhulka Soomaaliya ee gobolada Waqooyi uu yahay qayb muhiim ah oo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tix-raac u tahay Axdiga Jaamacadda Carabta iyo Mabaadi’diisa, iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

7. Arrintan ayaa ah mid dhaawacaysa Aminga , Xasilooniya mandiqada.

8. In loo xilsaarray Goleyaasha Safiirada Carabta ee magaalooyin New York, Goya, Viana, Bruxem, Addis Ababa, Washington, iyo LodenParis, Beijing iyo Mexico, u gudbinta go’aankan ka soo baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda.

9. Xoghayaha Guud ee jamacada carabta ka codsanaya inloo xilsaaro koox-hawleed heer wasiir ah oo dabagal ku sameeya dhaqangelinta go’aan maanta soo baxay.

10. Xoghayaha Guud ee jamacada carabta ka Codsaday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika sidi loo shaqayn lahaa meel marinta go’aan maanta soo baxay.

WARARKA