spot_imgspot_imgspot_img

Galmudug oo Taliye Ciidan ku dhintay Dagaalka ka socda halkaas ugu magac-dartay Iskuul weyn

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee degmada Xarardheere ugu magac dartay Shahiid Abdi Mohamed Sheekh Hassan {SuulNuug}, kaddib soo jeedin ka timid Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor

 

Taliyahan dugsiga kuyaalla degmada Xarardheere loogu magac-daray ayaa dhawwaan lagu dilay dagaal ka dhacay Koonur gobolka Mudug, kaddib dagaal xooggan oo dhax maray kooxda A.s iyo ciidamada kumaanooska Gorgor

 

Suulnuuge ayaa kamid ahaa saraakiishii hoggaamineysay howlgalkii A.s looga saaray degmada Xarardheere sannad kohor, waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa howlgalo badan oo kooxdaasi lagu jabiyay oo ka dhacay deegaannada Galmudug

 

 

WARARKA