spot_imgspot_imgspot_img

Dowlada Iran oo lagu eedeeyay in duqeymo Culus ay ka fulisay dalka Pakistan

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Pakistan ayaa si caro leh ugu eedaysay Iran inay fulisay weerar ka dhacay gobolka Baluchistan oo ee dalkaasi Pakistan. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Islamabad ayaa ka digtay suurtagalnimada cawaaqib xumo ka dhalan karta wax ay ugu yeertay xadgudub aan gabi ahaanba la aqbali karin oo lagu sameeyay hawadeeda

 

Pakistan ayaa sheegtay in labo caruur ah ay ku dhinteen halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo ay geysatay dalkan ay deriska yihiin

 

Iran ayaa dhankeeda sheegtay in ay bartilmaameedsatay laba saldhig oo lala xiriirinayo kooxda xagjirka ah ee Jaish al-Cadl, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee xiriirka la leh militariga dalkaas

 

Balse Pakistan ayaa gaashaanka u daruurtay arrintan, waxayna ku tilmaantay “fal sharci darro ah” oo horseedi kara “cawaaqib xumo”

 

Pakistan waa waddankii saddexaad, marka laga reebo Ciraaq iyo Suuriya, oo ay weerarto dhawrkii maalmood ee u dambeeyay.

 

WARARKA