spot_imgspot_imgspot_img

Dowaldda Soomaaliya oo Hawada ka Celisay Diyaarad Itoobiya ay leedahay.

Arbaco jan-17 2024-{HMC}  Dowladda Soomaaliya ayaa Hawada ka celisay diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo sida la sheegay si amar la’aan ah u soo gashay Hawada Soomaaliya.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ay diyaaradda Ethiopia Airline oo Hargeisa wafdi uso waday ay ka celisay hawada, waxaana tani ay noqonaysaa tallaabadii ugu adkeyd ee Dowladda Soomaaliya qaadday tan iyo markii Itoobiya ay heshiiska la gashay Muuse Biixi.

Sida Hiiraanweyn ka heshay ilo Xog-Ogaal ah oo aviation ka ka tirsan diyaarada ayaa ku laabatay Adisababa oo marki hore ay ka so kacday.

WARARKA