spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Shir gaar ah la qaadanayo Masuuliyiinta Maamulka D.Matabaan

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin ayaa manta Shir gaar ah kula qaadanayo Masuuliyiinta Maamulka Degmada Matabaan iyo qeeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Degmadaasi,

Shirkan waxaa diirada lagu saarayaa sidii ay u wada-shaqeeyn lahaayeen Masuuliyiinta Maamulka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo khilaaf dhaxdooda yaalla sidii xal waaro looga gaari lahaa. Dhamaan Madaxda Maamulka degmada Matabaan ayaa shirkan goob joog ah.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi axmed Maalin Sufuroow ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhameeyo waxii khilaaf ah oo madaxda dhax yaalla, intaasi kadibna usoo gudbi doono xalinta qaar kamid ah Beelaha dago degmada matabaan oo iyaga Cabasho qabo.

Sidoo kale Gudoomiye Sufuroow ayaa sheegay in isaga oo aanan xalin dhamaan Tabashada ka jirto Degmada Mataban uusan ka bixi doonin Magaaladaasi, Qorshaha ugu weyn ee Gudoomiyaha iyo Masuuliyiinta Kale ayaa ah in xal waaro laga gaaro Culeeysyo farabadan oo ka jiro Wadada Xariiriso Baladweyne iyo degmada Matabaan oo gaadiidleyda dhibaato weyn ay ku qabaan.

WARARKA