spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Magaalada Muqdisho oo Dhagax dhigay wadada Muhiimka ah ee Degmada Hodan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha waddada isku xirta Wasaarada

Arrimaha Dibada iyo Masjidka Minaaradaha ee Degmada Hodan oo ay dhismaheeda iska kaashan doonan Dadka Deegaanka iyo Maamulka Degmada.

Munaasabada dhagax dhiga waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcale iyo Guddoomiyaha Degmada Hodan Mudane Cali Fahle.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa kula dardaarmay bulshada Caasimadda in ay dhaqaala hooda ku yaboohaan dib udhiska magaalada iyo bilic Soo celinteeda

WARARKA