spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} 66 qof oo Shuban-biyood ugu Geeriyootay Degmada Jalalaqsi,

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Cudurka shuban-biyoodka oo ka dilaacay degmada jalalaqsi iyo tuulooyinka hoos yimaado todobaadkii hore ilaa hada waxaa xarumaha Caafmaad lasoo gaarsiiyay 272 Bukaan sida ay sheegeyn howl-wadeenada labo xarumood oo gaar ah oo shubanka loogu tala-galay kuwaas oo laga sameeyey Degmada.

67 qof oo Caruur ubadan ayaa ugu geeriyootay Shubanka degmada Jalalaqsi iyo tuulooyinka, Sida uu sheegay Dr Asad Cabdullaahi Maxamed, Gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana hada labada xarun jiifto ku dhawaad 50 Bukaan.

Dhaqaatiirta degmada iyo maamulka ayaa u istaagay wacyigalin dadka deegaanka la siinayo, si loo yareeyo khataraha kiisaska shubanka ah. Dhaqaatiirta ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo 24 saac lagu xakameeynayo Cudurka Shubanka. taasi oo sabab u noqotay in ay yaradaan kiisaskii shubanka dadka u dhimanayay.

 

WARARKA