spot_imgspot_imgspot_img

Olole ka dhan ah damaca Itoobiya ee badda soomaliya oo ka billowday dalalka Yurub

Talaado jan-16 2024-{HMC} Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Yurub ayaa ka wada hadlay sidii dalalka Yurub looga dhiga lahaa banaanbax looga soo horjeedo damaca gurracan ee Ethiopia

 

Ethiopia ayaa isku dayeysa inay qaadato qeyb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya ayada oo adeegsaneysa heshiis sharci-darro ah oo ay la gashay maamulka Somaliland

 

Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Benelux iyo Midowga Yurub ayaa kulan isugu yeeray xubno ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg ee la isku yirahdo Benelux, iyadoo laga jawaabayo baaqii uu madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uga dalbaday qurbajoogta Soomaaliyeed in ay gutaan doorka kaga aadan xadgudubka ay Ethiopia kula kacday haybadda dawladannimo iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya

 

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa in qurbajoogta ku nool wadamada Benelux iyo dhammaan Midowga Yurub in ay is abaabulaan si ay banaanbaxyo waa weyn oo ka dhan ah Ethiopia uga dhigaan wadamada Benelux iyo Yurub, islamarkaana si nabad ah ugu muujiyaan in ay ka soo horjeedaan daandaansiga Dowladda Ethiopia

 

Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaal dhan walba ah oo dowladda Soomaaliya ay isaga caabineyso damaca Ethiopia ay ku dooneyso inay ku boobto dhulka iy badda Soomaaliya

 

 

WARARKA