spot_imgspot_imgspot_img

Madaxda DFS oo looga digay in aan lagu maaweelin shirka ay leeyihiin Madaxda Dalalka IGAD

Talaado jan-16 2024-{HMC}  Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ku mideysan IGAD, shirkan ayaana diirada lagu saari doonaa xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaana si weyn uga carrootay heshiis wax u dhimaya madax-bannaanida iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, kaa oo Adis Ababa ku kala saxiixdeen madaxweynaha maamulka Somaliland iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya

 

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa ku booriyay madaxda dowladda Soomaaliya in aan lagu maaweelin shirka ay leeyihiin Madaxda IGAD ee ka dhacaya Kampala

 

Qoraal uu soo saaray Cumar Cabdirashiid ayuu ku sheegay in ereyada ay adeegsadaan qaar kamid ah madaxda IGAD ee ah is-dhax-galka iyo is-afgaradka dalalka gobolka uu halis ku yahay midnimada Soomaaliya

 

Waxa uu xusay Cumar Cabdirashiid Cali in adeegsiga erayadaasi ay muujin karaan in Madaxbanaanideena iyo Midnimada dhuleed ee dalkeenna Soomaaliya ay u furan tahay in laga hadlo

 

Dowladda Itoobiya ayaana damac weyn kasoo galay in ay xoog iyo xeyladba ku qaadato qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, waxaana damacaasi iyo dulmiga Itoobiya si weyn uga carrootay dowladda Federaalka oo si kulul u naqdisay gardarada Itoobiya.

WARARKA