spot_imgspot_imgspot_img

Itoobiya oo ka cudur-daaratay ka qeyb galka shir madaxeedka deg dega ah ee IGAD

Talaado jan-16 2024-{HMC} Itoobiya ayaa ka meer-meeraysa inay ka qayb gasho shirka ay iclaamisay dowladda Jabuuti ee ay yeelanayaan Madaxda dalalka IGAD, kaasoo looga hadlayo heshiiskii muranka dhaliyay ee ay wada-saxiixdeen Aby Axmed iyo Muuse Biixi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo warqad u dirtay IGAD ayaa ka gaabsatay ka qeyb galka shirkaas, iyadoo ku marmarsiyootay inay howlo kale ku mashquulsan yihiin, waxayna codsatay in waqti kale looga dhigo.

Itoobiya ayaa waxaa heysta wejigabax diblumaasiyadeed oo ku qasbaya inay ka dhuumato fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Shir Madaxeedka deg deg ah ee madaxda IGAD ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Kambala ee dalka Ugandha 18ka bishan oo ay naga xigto muddo labo cisho ah.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA ITOOBIYA U DIRTAY IGAD

WARARKA