spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Haweeney da’ ah ayaa ku dhimatay Weeraro gaadiid loo adeegsaday oo ka dhacay magaalo ku taalla Israel

Talaado jan-16 2024-{HMC}  Haweeney da’ ah ayaa ku dhimatay 17 kalena way ku dhaawacmeen weeraradii mataanaha ahaa ee Isniintii ka dhacay magaalada Raanana ee bartamaha Israa’iil, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen isbitaallada lagu daweynayo dadkii ku waxyeeloobay weerarka

 

Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in laba qof oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen labadii weerar oo isku mar ahaa ay ahaayeen dad ka timid magaalada Hebron oo ku taalla Daanta Galbeed ee la haysto. Booliiska ayaa sheegay inay si sharci darro ah ku galeen Israa’iil ayna hadda ku jiraan gacanta booliska

 

Eedeysanayaasha ayaa la sheegay inay gawaari jiirsiyeen tiro dad ah dhowr goobood, sida ay booliisku sheegeen, waxaana uu intaa ku daray in weli ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo lagu xaqiijinayo inaysan khatar kale dhicin

 

Xamaas ayaa soo saartay bayaan ay ku ammaantay labadii weerar ee ka dhacay magaalada Raanana ee bartamaha Israa’iil

 

Xamaas ayaa sheegtay in weerarradu ay jawaab dabiici ah u ahaayeen gumaadka gumeysiga iyo gardarrada joogtada ah ee ay ku hayaan dadkeenna Falastiiniyiinta

 

WARARKA