spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} DFS Oo kulan Wada-tashi ah la qaadatay Odoyaasha gobolka Awdal

Talaado jan-16 2024-{HMC}  Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaatay Salaadiin, Cuqalo, Nabaddoonno, Ugaasyo iyo odeyaal kale ka tirsan 135 iyo qaar kale oo kasoo jeedo gobolka Awdal.

Kulankan oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Senator Deeqa Xasan Xuseen, guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka sare iyo Senator Bilaal Idiris C/laahi ayay odeyaasha beelaha Samaroon iyo Ciise kusoo bandhigeen xaaladda gobolka iyo dareenka shacabka ee kadib go’aankii Muuse Biixi uu Itoobiya kusiiyay badda Zeylac.

WARARKA