Axad jan-14 2024-{HMC} Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Ukraine ayaa sheegtay inay nolosha ku qabatay koox calooshood u shaqeysatayaal ah oo ka barbar dagaalamayay ciidanka Ruushka.
Ragga nolosha lagu qabtay ayaa waxaa kamid noqday muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Adiila, sida ay warisay warbaainta Ukraine.
Ninkan Soomaaliga ah iyo rag kale ayaa la qabtay, iyaga oo ka dagaalamayay dhanka magaalada Maryinka ee Gobolka Donetsk.
Maxamed Adiila ayaa si gaar ah uga tirsanaa guutada saddexaad ee ciidamada Ruushka ee haatan dagaalka adag kula jira dowladda Ukraine.
Sidoo kale wuxuu haystay baasboorka Soomaaliya, sida au muujinayaan caddeymaya la helay iyo xogta ku saabsan ninkaas ee ay baahisay warbaahinta dowladda Ukraine.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Maxamed Adiilka uu dagaalka ku biiray dhammaadka sanadkii hore, mana haysan wax khibrad dagaal ah, balse waxaa sababtana lagu sheegay in la siinayay lacag, si uu ugu dagaalamo dowladda Ruushka.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa, ayada oo horay ayaa Ruushka loogu eedeeyay inuu si qasab ah ku askareeyay dhalinyaro Soomaali ah oo ku sugnaa oo ku dhibaateysanaa dalalka Ruushka, Belarus iyo Poland.
Mid kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Belarus, isla markaana horay wareysi u bixiyay ayaa shaaca ka qaaday sida dhalinyaradaasi qasabka loogu qoray.
“Waxaa jira dhalinyaro siddeed qofood ah oo ciidanka Waddanka Ruushka lagu daray oo la rabo inay u dagaalamaan oo Ukraine loo gudbinaayo” ayuu yiri ardaygu.