spot_imgspot_imgspot_img

Dagaalka Qasa oo galay maalintisii boqollaad, iyo Falastiniyiinta oo isku dayaya in ay dib ugu laabtaan guryahooda

Axad jan-14 2024-{HMC}  Maanta oo Axad ah ayaa boqol maalmood laga joogaa markii uu bilowday dagaalka Qasa, waxaana Falastiiniyiintu ay isku dayayaan in ay dib ugu laabtaan guryahoodii ay ku qasbanaadeen in ay ka baxaan tan iyo markii uu bilowday dagaalka, gaar ahaan waqooyiga iyo bartamaha marinka Qasa, iyagoo tixraacaya hadalladii u dambeeyay ee Israa’iil ee ku saabsanaa suurtagalnimada in Falastiiniyiinta dib loogu celiyo deegaannadooda iyo dhimista hawlgallada milatari ee waqooyiga marinka Qasa.

Kalkaaliye caafimaad oo hawlgab ah oo la yiraahdo Nabiil Tawfiq ayaa go’aansaday in uu dib uga laabto isaga iyo qoyskiisuba gurigooda oo qayb ahaan la burburiyay oo ku yaala xaafadda Al-Rabat ee degmada Beyti Laahiya ee waqooyiga Marinka Qasa, kaddib markii ciidamada Israa’iil ay isaga baxeen agagaarka xaafaddooda.

Tawfiiq oo u warramayay barnaamijka Qasa Today ee BBC-da ka baxa ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisuba ay ku noolaayeen guri ku yaalla xaafadda Rabat in ka badan soddon sano, iyagoo ah qoys kor u dhaafaya 40 qof kuwaas oo ku noolaa hal guri. waxaa lagu qasbay in ay ka qaxaan bilowgii dagaalka, isagoo oo ku nuuxnuuxsaday in markii ay soo noqdeen ay arkeen guriga oo gebi ahaantiiba burburay.

“Waxaan ku soo laabanay guriga oo waxaan aragnay in uu burburay, mana lahan biyo, koronto, iyo wax kasta oo noloshu u baahan tahay. Waxaan raadinaynaa qol aynu dagno, waxaynu isku dayi doonnaa inaynu hagaajinno si aynu nolosheenna u sii wadano, laakiin waxaan u baahannahay biyo, iyo gaas ayuu yiri Towfiiq.”

WARARKA