spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Sheekh Aadan Madoobe oo xafiiskiisay qaabilay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya

Axad jan-14 2024-{HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} ayaa maanta xafiiskiisa kulan sagoontin

ah kula qaatay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Mudane Magatte Guisse iyo Marwo Sanaa Omer oo ah ku-xigeenka wakiilka UNHCR ee dalka, maadama uu dhamaaday mudo

xileedkii ay ku joogeen Somaaliya.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Hay’adda UNHCR uga mahadceliyay shaqada

wanagsan oo ay ka qabteen dalka, waxaana uu sheegay in Hay’adda UNHCR ay caawiso kumannaan Barakacyaal ah oo ku nool dalka gudahiisa, isagoona kula dardaarmay

madaxda cusub ee imaan doonta in ay xoojiyaan caawinta Barakacayaasha ku nool gudaha dalka iyo qaxootiga ajaaniibta ah ee ku nool gudaha dalka.

WARARKA