spot_imgspot_imgspot_img

M.ku xigeenka Galmudug oo gaaray Puntland xilli ay Garoowe isugu diyaarinayso caleema saarka madaxda cusub ee maamulkaas

Sabti jan-13 2024-{HMC} Madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir kusoo dhoweeyey dhigiisa Galmudug Cali Daahir Ciid oo ka qayb gelaya Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka.

Soo dhoweynta waxa ka qayb galay Goleyaasha dowladda Puntland, Mudanayaal heer Federaal ah, Ururada bulshada, Kooxaha Hidaha iyo Dhaqanka iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Galmudug ayaa hordhac waxa uu yahay wufuud ka kala imaan doonta dhammaan dowlad gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, waxaana la filayaa madaxda maamul gobaleedyada in ay ka soo qeyb galaan.

Caleema saarka madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa ayaa la qorsheeyey in ay ka qeyb galaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, si la mid ah Golaha Wasiirrada iyo Xildhibaannada ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan.

WARARKA