spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho iyo agaasimaha NISA oo Booqasho ugu tagay ciyaartooyda Koonfur Galbeed.

Sabti jan-13 2024-{HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf XuseenJimcaale {Madaale} ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaarada Dhalanyaradda iyo

Cayaaraha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Salmaan Cali, Maamulka, Macalimiinta iyCayaartoyda Xulka Koonfur Galbeed oo shalay dhibaato kala kulmay dhalinyaro dhagxaan ku weeraray.

Duqa Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatada soo gaartay qaar ka mid ah Cayaartoyda Xulka Koonfur Galbeed, taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid ka

baxsan Anshaxa Cayaaraha, asigoona xusay in wixii hada ka danbeeya aan la aqbali doonin in uu dhaco fal nuucaan oo kale ah, laamaha amniga ay u diyaarsan yihiin sugida Amniga Cayaartoyda iyo muwaadiniinta ka qeybgalaya Cayaaraha

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye {Yabooh} Guddoomiyaha Xiriirka

Kubadda Cagta Soomaaliyeed Mudane Cali Shiino iyo mas’uuliyiin ka kala tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

 

WARARKA