spot_imgspot_imgspot_img

Shiinaha iyo Sacuudiga oo taageeray madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Jimco jan-12 2024-{HMC} WASHINGTON — Dawladaha Shiinaha iyo Sucuudiga ayaa sheegay inay taageeryaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Shiinaha ayaa sheegay inay rajaynayaan in waddamada gobolku ay xallin doonaan arrimaha gobolka iyaga oo u maraya hab diblomaasiyadeed.

Dawladda Sucuudiga ayaa iyaduna sheegtay inay muhiim tahay degganaanshaha gobolka, waxayna carrabka ku adkaystay sida loogu baahan yahay in la ilaaliyo mabaadii’da deris wanaagga.

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa bilaabatay 1-dii bishan kadib markii ay is-afgarad kala saxiideen Itoobiya iyo Somaliland kaasi oo mas’uuliyiinta Somaliland sheegeen inuu u horseedayo inay Itoobiya aqoonsato iyadoo taas beddelkeedana Somaliland ay dhul 20km oo bad ah ka kiraynayso Itoobiya.

Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay is-afgaradkaasi oo ay sheegtay inuu xadgudub ku yahay madaxbannaanida iyo midnimadeeda dhuleed, waxayna Soomaaliya u tixgelisa Somaliland qayb ka mid ah Soomaaliya.

Laakiin dhinaca kale Itoobiya iyo Somaliland labaduba waxay difaaceen is-afgaradka. Somaliland waxay ku sheegtay war saxaafeed ay toddobaadkan soo saartay in dawladda Soomaaliya ay turjumaad qalad ah ka bixinayso is-afgaradkaasi, Somaliland-na aysan ka mid ahayn Soomaaliya, sida war saxaafadeedkaas lagu sheegay.

Itoobiya waxay dhinaceeda sheegtay in is-afgaradkaasi uusan cidna dhibaagto ku ahayn.

WARARKA