spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Jabuuti oo iclaamisay shir deg deg ah oo lagu xalinayo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Jimco jan-12 2024-{HMC}  Madaxweynaha wadanka Jabuuti oo ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in shir deg deg ah oo looga hadlayo damaca guracan ee Dowladda Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhici doona 18-ka bishaan dalka Udanda ayaa looga jawaabayaa baaqii Soomaaliya ee ahaa in wadamada IGAD kulan ay ka yeeshaan damaca Itoobiya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa doodeeda ka mid ahaa in tallaabada ay qaaday Itoobiya ay ka soo horjeedo shuruucda IGAD iyo dhammaan shuruucda kale ee caalamka.

Dowladda Jabuuti ayaa u muuqata inay door firfircoon ka qaadaneyso sidii loo dejin lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo xubno muhiima ka ah ururkaan IGAD.

Soomaaliya ayaa diblomaasiyadda uga adkaatay Itoobiya, waxayna dalalka ugu muhiimsan caalamka uga digeen Itoobiya damacaan guracan ee badda Soomaaliya ay ku dooneyso.

Maanta oo ugu dambeysay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya,

Safiirka ayaa madaxweynaha la wadaagay taageerada Shiinaha ee ku aaddan gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka mahadceliyay mowqifka adag ee dowlada Shiinaha ay ku garab istaageen qaranimada iyo madaxbaaninda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda ay u leedahay ilaalinta sharuucda caalamiga ah, xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.

Safiir Shiinaha Mudane Fei Shengchao ayaa tilmaamay in Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ay u aqoonsan tahay Somaliland in ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay adkeynayso ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay.

WARARKA