spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO MUQAALKA} Nin Xaaskiisa ku Dilay Dagmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Kadib Karkii uu ku arkay,,.

Jimco jan-12 2024-{HMC} Fal argagax leh ayaa maanta ka dhacay Degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan kadib markii nin dhalinyaro ah uu dilay xaaskiisa sideey ay Hiiraanweyn u sheegeen dad goob joogayaal oo ku sugan xaafada uu falka ka dhacay.

 

Allaha u naxariisteen Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maryamo Nuur Meeyle waxaana ninka dilay lagu magacaabo Maxamed Cabdulaahi Cismaan kaas oo ahaa seygeeda.

 

si rasmi ah looma oga sababta dhabta ah ee ka danbeyso dilka Allaha u naxariisteen Maryan Nuur Meeyle oo maanta seygeeda ku dilay Jalalaqsi.

 

Dadka xaafada oo ku soo baxay falkan argagaxa leh ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Maxamed Cabdulaahi Cismaan oo loo haysta dilka xaaskiisa, waxaana loo gudbiyay ciidamada amaanka degmada Jalalaqsi.

Waxii warar ah ee kasoo kordha dhacadada aragagaxa leh ee ka dhacay Degmada Jalalaqsi halkan ayaa idiin kugula wadaagi doonaa.

 

WARARKA