spot_imgspot_imgspot_img

Xuutiyiinta Yemen oo weerar ka fuliyey Badda cas

Khamiis -Janaury-11-{HMC}  Britain ayaa sheegtay in maraakiibteeda dagaalka iyo kuwa Mareykanku ay iska caabiyeen weerarkii ugu ballaarnaa oo ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen marinnada maraakiibta caalamiga ah ee badda cas.

In ka badan labaatan gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa la soo riday. Wax dhaawac ah ama burbur ah lama soo sheegin.

Shirkadaha xamuulka qaada ee ugu waaweyn caalamka ayaa aagga ka wareejiyey maraakiibtooda si ay uga fogaadaan badda cas.

Falaagada ay Iran taageerto ayaa sheegaty in ay sii wadi doonaan illaa iyo inta ay Israa’iil ogolaanayso in sahayda gargaarka bini’aadantinimo si buuxda loo geeyo marinka Qasa.

Xuutiyiinta oo ay taageerto Iran ayaa sheegay in gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu garaacay badda cas ay jawaab u tahay weerar Maraykanku ku qaaday kooxdaas todobaadkii hore.

Maraykanka ayaa saddex doonyood oo Xuutiyiin ah ku dejiyey badda cas, halkaasoo ay ku dhinteen dhammaan dadkii la socday, 31-kii December ka dib markii ay rasaas la dhaceen.

Waxay ahayd markii ugu horreysay oo Maraykanku uu bartilmaameedsado xubnaha fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto tan iyo markii ay xiisadda sii korortay bishii Oktoobar.

War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka milatariga Xuutiyiinta Yahya Sarec ayaa ku sheegay in weerarka Talaadadii uu ahaa “weerar la isku duba riday” oo lagu beegsaday markab Mareykan ah oo “caawinayey” Israa’iil oo ku sugan badda cas.

“Ciidanka Qalabka Sida ee Yemen waxa ay xaqiijinayaan in aysan ka waaban doonin in ay si ku habboon wax uga qabtaan dhammaan khataraha cadowga ah ee ku jira xaqa ay u leeyihiin in ay si sharci ah u difaacaan dalkeenna, dadkeenna iyo qarankeenna,” ayuu Sarreeye ku daray hadalkiisa.

WARARKA