spot_imgspot_imgspot_img

Wararkii ugu dambeeyay ee diyaaraddii u gacan gashay AS

Khamiis -Janaury-11-{HMC} NEW YORK — Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay shilka diyaarad Helicopter ah oo u kireysneyd, isla markaana ‘wadday daadgureyn caafimaad’ taas oo ku dhacay deegaan ka tirsan Galmudug, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska UNSOM.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay waddo dadaallo looga jawaabayo shilkan, isla markaana ay ‘ku howlan tahay ururinta macluumaad dhammeystiran’ oo la xiriira shilka diyaaraddan.

Diyaaraddan ayaa ku degtay degaan u dhow Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Degaanka ay ku degtay ayaa waxaa ka taliya ururka al-Shabaab, waxaana dhowr ilo-wareed oo degaanka iyo saraakiil kaleba ay sheegeen  in diyaaradda iyo shaqaalaha la socday ay u gacan galeen ururka Al-Shabaab.

Illaa hadda ma cadda tirada saxda ah ee shaqaalaha iyo rakaabka saarnaa diyaaradda. Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay la socdeen lix qof, halka ilo wareed kale uu sheegay inay saarnaayeen sagaal qof.

Diyaaraddan ayaa mas’uuliyiintu sheegeen inay ka kacday magaalada Beledweyne ayna u socotay Wisil oo ka tirsan Mudug.

WARARKA