spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey Kadawa Hadleen Madaxweyne Xasan Shekh iyo António Guterres?

Khamiis -Janaury-11-{HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres.

Xasan Sheekh iyo Gutarres ayaa kala hadlay xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo xasillooni darrada ay abuurayso damaca iyo xadgudubka Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida iyo gobanimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la weadaagay aragtida iyo siyaasada dowlada federal Soomaaliya oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam, taas oo ay barbar socoto in dadka iyo dowladda Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa dhankiisa garab istaag u muujiyay madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna cadeeyay in muhiim tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

WARARKA