spot_imgspot_imgspot_img

Faah faahino laga helayo Dil argagax leh oo ka dhacay Dhuusamareeb

Khamiis -Janaury-11-{HMC}  Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kadib markii lagu gowracay gabar Itoobiyaan ah oo kasoo jeedo qowmiyadda Oromada

 

Nin mindi ku hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inuu gabadha ku dilay xaafadda Waxar-cadde ee magaaladaasi, kaas oo la sheegay inuu qabay xanuun dhanka dhimirka ah

 

Guddoomiyaha xaafadda ay dhacdadu ka dhacday ayaa ka warbixiyay falkaasi, wuxuuna u sheegay in gabadho ay shaqaale ahayd, isla markaana uu dilay ninka xanuunsan

 

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay in si arxan darran uu ninka u dilay gabadha oo Muslimad ahayd, isla markaana uu dhowr jeer la dhacay tooreyda ama mindida

 

Guddoomiyaha xaafadda Waxar-cadde oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhacdan ay tahay wax ku cusub Dhuusamareeb, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay si dajiyaan

 

“Waxaa ka rabaa bulshada inay is dajiso wuxu way dhaceen xag Ilaahey ayaa ka qornaayeen ka maamul ahaan iyo ka shacab ahaan aad ayaan uga xunahay falkaasi, waa arrin ugub nagu ah” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha xaafadda Waxar-cadde.

WARARKA