spot_imgspot_imgspot_img

WAR DEG DEG AH:Dowladda Soomaaliya oo War ka so Saartay Diyaaradii ku dhacday Deegaanada Galmudug

Arbaco jan-10 2024-{HMC} Diyaarad kuwa qumaatiga u kaca (helicopter) oo ay leedahay Qaramada Midoobay, loona adeegsado dhanka gurmadka degdegga ah oo caawineysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhacdey goob ku taalla Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay ka taliyaan Khawaarijta.

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in diyaaradda ay la soo gudboonaatey cillad farsamo, kadibna ay halkaasi ku dhacdey.

Waxaa diyaaradda saarnaa 8 shaqaale ah oo isugu jiray ajnabi iyo Soomaali. Iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ay ku guda jiraan badbaadinta shaqaalihii saarnaa diyaaradda, ayaa waxan idin idin la soo wadaagi doonnaa hadba waxa ku soo kordha dhacdadan.

WARARKA