spot_imgspot_imgspot_img

Ra’iisulwasaarayaasha Soomaaliya iyo Kuweyd oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal.

Arbaco jan-10 2024-{HMC} Janaayo 10, 2024: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khadka teleefonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Kuwait, Shiikh Dr. Maxamed Sabaax Al-Salem Al-Sabaax, ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhiggiisa dalka Kuwait ugu hambalyeeyay masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoo u rajeeyay in Allaah uu ku guuleeyo xilka. Waxaana uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kuwait.

 

WARARKA