spot_imgspot_imgspot_img

Arooskii Xiddiga reer Senegal Sadio Mane oo ka dhacay Masaajid iyo hadal heyn ka dhalatay

Arbaco jan-10 2024-{HMC} Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ayaa toddobaadkan ku guursaday waddankiisa Senegal, waxaana uu la aqal-galay haweenay ay is-jeclaayeen muddo dheer oo ay kasoo wada jeedaan waddanka Senegal.

Xafladda arooska waxa lagu qabtay meel qarsoon oo aanay dad badan ogeyn, waxaana la rumaysan yahay in ciyaartoygan, asxaabtiisa dhow iyo ehellada labada qoys oo kali ahi ay joogeen xafladda arooska.

Sadio Mane oo ay da’diisu tahay 31 jir, isla markaana uu xulkiisau isku diyaarinayo tartanka Qaramada Afrika ee toddobaadka dambe ka bilaamaya waddanka Ivory Coast ayaa noqday xaasle ka hor inta aanu u duulin Ivory Coast.

Gabadha uu guursaday Sadio Mane oo ay hore isku mehersadeen waqtigii uu joogay Bayern Munich ee aanu u wareegin Al-Nassr oo uu mushahar aad u badan ka qaato, ayaa lagu magacaabaa Aisha Tamba.

Warbaahinta waddanka Senegal ayaa markii hore tabisay in Aisha Tamba ay da’deedu tahay 18 jir, laakiin warar dambe oo soo baxaya ayaa sheegay in ay tahay 26 jir ay muddo dheer xidhiidh lahaayeen Sadio Mane.

Wargeyska Business Day, ayaa sheegay in aroosku uu maalintii Axaddii ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada Dakar ee casimadda Senegal.

Mane iyo xaaskiisa Aisha ayaa waxa ay kasoo wada jeedaan hal tuulo, waxaana arooskooda ka sheekaynaya warbaahinta dunida oo la yaabban in laacibkan Muslimka ah oo sannadkii ay Al-Nassr siiso mushahar dhan 40 milyan oo Euro oo aanay canshuurtu ku jirin, in uu haddana masaajid ku dhigto arooskiisa, sidoo kalena aanay dad badan kasoo qayb-gelin.

WARARKA