spot_imgspot_imgspot_img

Xasan Sheekh oo kusoo laabtay Muqdisho kadib safirkii Eritrea

Talado jan-9 2024-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo laabtay magaalada Muqdisho kadib safar laba maalmood ah oo uu ku tagay dalka Eritrea.

Wasaaradda warfaafinta ee dalka Eritrea ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Eritrea Isaias Afwerki ay ka wada hadleen arrimo khuseeya xiriirka labada waddan, kuwa gobolka iyo kuwo caalami ah.

Waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedkaas in labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen inay si xooggan uga wada shaqeeyaan xiriirkooda iyo iskaashigooda iyo kuwa gobolkaba, saldhig looga dhigayo niyad dulqaad iyo wax dhisid ku salaysan, la iskana xamaymanayo ka jawaabista ajandayaasha kala duwan ee daandaansi, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaas.

Eritrea waxay sheegtay inay mustaqbalka dhow soo saari doonto war cad oo faahfaahsan oo ku saabsan arrimaha labada waddan iyo kuwa gobolka ee lagu xusay war-saxaafadeedka.

Dhinaca kalena, shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirrada ee Jabuuti ayey ku celiyeen inay si aan leexleexad lahayn u taageersan yihiin mabda’ ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, sida uu bartiisa X ku qoray wasiirka Maaliyada iyo Dhaqaalaha Ilyaas Muuse Dawaale.

WARARKA