spot_imgspot_imgspot_img

Ilhan Omar oo Ka hadashay Doorashadii Dhawaan ka dhacday Puntland

Talado jan-9 2024-{HMC} Xildhibaan Ilhan Omar oo kamid ah xildhibaanada Dalka Mareykanka ayaa ugu hambalyeysay Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni oo shalay dib loogu doortay Madaxweynaha shanta sano ee Soo socoto Puntland.

 

Ilhan Omar ayaa qoraal ay ku qortay Barta X ama twitter ayaa tiri sidan “Hambalyo Madaxweyne Saciid Deni oo dib u doortay Waxay marag madoon u tahay hogaamintaada inaad noqoto madaxwaynihii ugu horeeyay Puntland ee mar labaad ku guulaysta doorashada. Waxaan rajaynayaa in aan arko waxa aad qaban doonto shanta sano ee soo socota adiga oo sii wada dadaalkaaga aad ugu abuuri lahayd barwaaqo iyo xasilooni shacabka Puntland. Kudayo Puntland kudayo, Inshallah boowe guul iyo gobinimo,”.

 

WARARKA