spot_imgspot_imgspot_img

Golaha Wasiirada Jabuuti oo taageeray midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Talado jan-9 2024-{HMC} Golaha Wasiirada Dalka Jabuuti ayaa kalfadhigoodii ugu horeeyay yeeshay sanadkii 2024. Shirka oo ay ka qeyb-galeen xubnaha Golaha Wasiirada ayaa dib u eegis ku sameeyay faylalka ka jira Gobolka, oo ay ugu muhiimsan tahay khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Goluhu wuxuu caddeeyay mabda’iisa adag ee uu ku taageerayo midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida  Soomaaliya, wuxuuna ku celceliyay inay ka go’an tahay in la sii adkeeyo is-dhexgalka dhaqaale ee gobolka.

 

Golaha Wasiirada ee Jabuuti ayaa sidoo kale soo jeediyay talooyin ku saabsan in la qaato wadahadalka si looga hortago in uu sii fido khilaafka ka dhax aloosan gobolka oo markii horeba jilicsanaa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyas Dawaleh.

Dowladda Jabuuti ayaa hore usoo saartay war saxaafadeed ay walaac ugu muujinaysay khilaafka u dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggeeda Itoobiya.

Jabuuti ayaa sidoo kale ugu baaqday labada dal in ay wada-hadalaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii colaadda loo dejin lahaa

WARARKA