spot_imgspot_imgspot_img

DF Soomaaliya oo loo soo jeediyay tallaabo culus oo ka dhan ah Ethiopian Airlines

Talado jan-9 2024-{HMC}  Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii badda ee Addis Ababa.

Xildhibaanka ayaa dowladda federaalka usoo jeediyay inay qaado tallaabo ka dhan ah Shirkadda Ethiopian Airlines oo weli ka howlgasha magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Macallimuu ayaa ku taliyay in Shirkaddan Itoobiyaanka ah laga mamnuuco inay ka howlgasho dalka maadaama ay ku kacday xadgudub ka dhan ah madax banaanida dalka.

“Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya marka la tixgaliyo falalka ay ku kacday ee ka dhanka sh madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya waa in si deg deg ah dalka oo dhan laga mamnuuco oo ay ku jirto Hargeysa” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Sidoo kale wuxuu dowladda kula taliyay in waddo kale ay u raadiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee safarka kusii mara Addis Ababa, kuwaas oo ay ku jiraan kuwa u baxa adeegyada caafimaadka ee dibadda, sida India, ama Soomaalida kale ee safarka ah.

“Dowladdu waa lagama maarmaan in ay waddo kale u hesho dadka Soomaaliyeed oo tixgalintooda leh,” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri Xildhibaanku.

Soo jeedintan waxaa sidoo kale ka dhashay falcelin xoogan oo ay ka sameeyeen qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ee Internet-ka.

Maxamed Deeq Xasan oo ka falceliyay arrintan ayaa yiri “Arrintaan waa in aad baarlamaanka ka hor sheegtaa xildhibaane, waana gardarro cad iyo daan-daansi”.

Amiin Axmed ayaa isuguna yiri “Waa talo soo jeedin waqtigeedii ku timid guuleyso mudane go’aanka xukuumadda iyo baarlamaanka ayaa sugnaa iyana”.

Cali Gaab ayaa isna ku jawaabay “Wax kasta haddii lugu saleeyo caadifad deg-deg ah waxaa ka dhalan karta wax aan wanaagsaneyn”.

Xasan Mustaf ayaa isna ku yiri falcelintiisa “Yaa sameynaayo hee? meeshaan waxaa ka socota gar darro garab og”.

Waxaa xusid mudan in Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines saami laga siiyay Somaliland, taas oo qayb ka ahayd heshiiskii ay badda kula gashay Abiy Axmed.

WARARKA