spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Maxuu Ahaa Kulanka Dhaxmaray Madaxweyne iyo Musharaxiintii uu shalay ka guuleestay.?

Talado jan-9 2024-{HMC}  Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Maamulka Puntland , oo shalay dib-loogu doortay xilka Madaxweynaha Puntland 2024-2029, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan Qado Sharaf ah ugu sameeyay musharixiintii u tartamay xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Mr Deni ayaa si diiran qasriga madaxtooyada ugu soo dhaweeyay musharaxiintii uu kaga guuleestay xilka madaxweynaha, kuwaa ay ku jireen siyaasiyiin ay si weyn isku mucaaradsanaayeen.

Munaasabadda qado sharafta waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor iyo Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Puntland.

Siciid Deni ayaa guul weyn ka gaaray doorashii madaxweynaha ee shalay ka dhacday Garawe, waxaana guul dareestay musharaxiin badan oo isku baheestay sidii ay meesha uga saari lahaayeen madaxweyne Deni.

WARARKA