spot_imgspot_imgspot_img

Wararkii Ugu Dambeyay dagaal culus oo ka dhacay Magalada MUQDISHO

Isniin jan-8 2024-{HMC}  Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, kaas oo saameyn ku yeeshay shacabka.

Dagaalkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Haanta Dheer ee degmada Dayniile, halkaas oo ay ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan booliska iyo milatariga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay muran hareeray dhul ku yaalla halkaasi oo booliska ku amreen inay ka guuraan dadka shacabka ah ee deggan.

Ma’aha markii ugu horreysay oo ay dhulkan ku wada dagaalamaan ciidamo ka wada tirsan dowladda, waxayna dhacday dhowr jeer hore, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Dayniile iyo saraakiisha amniga Soomaaliya oo ku aadan dagaalkaasi.

WARARKA