spot_imgspot_imgspot_img

MW Xasan shiikh: “Sawaxanka & Qaylada ka baxaysa Boorama, Hargaysa & Lughaya waxa ay ka tarjumaysaa Dareenka qof weliba meesha uu joogo”.

Isniin jan-8 2024-{HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay falcelinta ka dhalatay heshiis-beenaadkii Itoobiya ay la gashay Maamulka Somaliland oo ay ku damacsanayd in ay ku qaadato qayb kamid ah badda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay dhinacyada ka falceliyay tallaabadaas.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in ay jiraan Dad ku sugan deegaannada Somaliland oo rasaas loo adeegsaday si loo kala eryo maadaama ay sameeyeen tallaabo ay ku diidayeen heshiis ku sheeggaas.

Sawaxanka & qaylada kasoo yeeraysa Dadka diidan heshiiskaas is afgaradka ah ayuu ku sifeeyay mid ka tarjumaya dareenka Soomaalinimo ee qof weliba uu u hayo dalkiisa & Dadkiisa isla markaana Dadkaas ay samaynayaan intii karaankooda ah.

“Sawaxanka & Qaylada Boorama ka baxaysa, Hargaysa ka baxaysa ee Lughaya ka baxaysa waxa ay ka tarjumaysaa cunsurka Soomaaliga, shakhsiga Soomaaliga ah meel weliba uu joogo dareenkiisa ayay ka tarjumaysaa, waxa aan amaanayaa Wiilasha & Gabdhaha dhalinyarada ah ee qaarkood xabbadaha lagu ridayo, la kala eryayo ee qaarkood xir-xiran yihiin oo xorriyadda laga qaaday waxa ay u taagan yihiin waa in dhulka Soomaaliya mitir kamid ah uusan bixin” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu sheegay in dhulkaan daafac adag loosoo galay sidaas awgeed aanay dhulku bixin Karin Shakhsi ama Maamul waxaana uu markale Itoobiya u sheegay in aanay kala gorgortami doonnin ama ugu tanaasuli doonnin Dhulka, Bad & Hawada Soomaaliya.

“Gabdhaha Waqooyiga Soomaaliya jooga gaar ahaan Hargaysa ee lahaa Xasan Sheekh Dhul ma bixin karo, Muusena ma bixin karo waa runteed 100% waayo ma bixin karo, muuse ma bixin karo qof kale oo berri imaadana ma bixin karo Dhulka Soomaaliyeed, Itoobiya waxa aan leeyahay ma dhacayso in Dhul Soomaaliyeed oo xor ah uu xorriyaddiisa waayo oo biyaha ayaan leenahay, kama gorgortamayno, Kamana heshiinayno taako kamid ah Dhulka Soomaaliyeed” ayuu yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaan ka sheegay kulan casho ah oo lagu maamuusayay sharciga Labada Gole ee Baarlamaanka kasoo saaaray heshiis beenaadkii ay wada galeen Itoobiya & Somaliland.

 

WARARKA