spot_imgspot_imgspot_img

Markii uu ilmada ceshan waayay iyo waxyaabaha kale ee aan laga ogeyn Kim Jong Un.

Isniin jan-8 2024-{HMC}  Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un waxa uu noqonayaa 40 jir. Laakiin dhab ahaantii miyuu yahay?

Maalinta dhalashada ee Hogaamiyahan Sare ayaa si weyn loo rumeysan yahay inay tahay 8 Janaayo, laakiin waxaa lagu muransan yahay taariikhda saxda ah ee dhalashadiisa.

Kani maaha sirta kaliya ee Kim – halkan waxaa kuugula wadaageynaa shan su’aalood oo aan laga jawaabin oo ku saabsan kaligii-taliyiha Kuuriya Waqooyiga ee xukunka qabtay 2011.

1. Goorma ayuu dhashay Kim Jong Un?

“Waxaa jira doodo badan oo ku saabsan sanadka uu dhashay, 1982, 1983 ama 1984,” Dr Edward Howell, oo bare ka ah kulyadda siyaasadda jaamacadda Oxford, ayaa u sheegay BBC.

Dhalashadiisa la filayo 8-da Janaayo oo maanta ku beegan maalin shaqo oo caadi ah ayay u tahay waddanka Shuuciga ah, halka dhalashada aabihiis Kim Jong Il loo dabaaldego 16-ka Febraayo sannad kasta.

Dhalashada awoowgii Kim Il Sung ee 15 Abriil sidoo kale waxaa loo asteeyay maalinta dabaal-deg ah.

Hase yeeshee, qaar badan oo ka mid ah faahfaahinta qoyskiisa ballaaran ayaa qarsoodi ah oo aan wax badan laga ogeyn.

Khabiirka Kuuriyada Waqooyi Dr Howell ayaa sheegay in aan ognahay in Kim uu leeyahay walaalo ay isku hooyo yihiin, kuwaas oo midkood oo la yirahdo Kim Jong Nam lagu dilay Malaysia sanadkii 2017-kii.

Kim Jong Un aabbihii ayaa loo malaynayaa inuu lahaa ugu yaraan afar lammaane oo kala duwan – laakiin xiriirkiisa ayaa inta badan laga ilaalinayay indhaha dadweynaha.

Hooyadii, Ko Young Hui, ayaa loo maleynayaa inay ku dhalatay Japan, iyadoo Kuuriya Waqooyiga timid 1960-meeyadii si ay uga shaqeyso xarun qoob ka ciyaarka lagu dheelo.

Waxaa la sheegay inay ahayd haweeneyda ugu cadcad dhammaan lammaanayaashii kale ee Kim Jong Il.

2018 sawirada Ko Young Hui oo la qaaday markii ay booqatay Japan 1973, ayaa la helay.

The Korea Times ayaa soo warisay in Kuuriyada Waqooyi aysan siinin sumcad badan Ko sababtoo ah shaqadeeda qoob-ka-ciyaarka iyo asalka qoys ee Japan.

Waa tuma xaaska Kim Jong Un?

Mar labaad, ma hubno. Waan ognahay inuu qabo xaas, la yirahdo Ri Sol Ju, laakiin ma hubno goorta ay is guursadeen (waxaa jira qiyaas ah in guurkoodu dhacay dhacday 2009).

Wax yar ayaa laga yaqaan “Jaalle Ri Sol Ju”. Waxay ahayd heesaa hore oo soo jiidatay dareenka Mr Kim intii lagu jiray bandhig faneedka?

Waxaa jirta fanaanad u dhalatay Kuuriyada Waqooyi oo magaceeda wadata, balse waligeed si rasmi ah looma xaqiijin inay isku qof yihiin.

Xildhibaan oo soo xiganayay saraakiil sirdoon ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in Ri Sol Ju ay booqatay Kuuriyada Koonfureed 2005-tii iyadoo ka mid ahayd kooxda farxadda u horseedaysa ciyaaraha fudud ee Aasiya, ayna wax ku baratay heesaha dalka Shiinaha.

Kuuriyada Waqooyi ma aysan bixin wax faah-faahin ah oo dhaafsiisan inay sheegto inay tahay xaaska Mr Kim.

3. Imisa caruur ah ayuu dhalay Kim Jong Un?

Halkan waxaan ku haynaa faahfaahin qoys oo kale oo ay adagtahay in la qeexo.

Wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Ri Sol Ju ay uur leedahay ayaa soo bilowday sanadkii 2016-kii kadib markii laga waayay indhaha dadweynaha, balse waligeed si rasmi ah looma xaqiijin.

Laba carruur ah oo hore ayaa la rumeysan yahay inay dhasheen 2010 iyo 2013, laakiin lama oga in ay jiraan kuwo lab ah. Dhab ahaantii, waxaa jira wax yar oo aan ka ognahay iyaga.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa meel fagaare ah kala soo muuqday gabadhiisa, Kim Ju Ae, oo la rumaysan yahay inay tahay da’ada labaad taas oo ku dhawaad 10 jir, waana tan aan inta badan naqaan – ugu yaraan shan muuqaal ayay ka soo muuqatay sannadkii 2023-kii.

“Weli ma garanayno sheekada dhamaystiran ee caruurtiisa,” Dr Howell ayaa sharaxay.

“Waxa uu leeyahay caruur kale, laakiin wax yar ayaa laga ogyahay iyaga. Ma garanayno hooyooyinkooda,” ayuu intaas khabiirka Waqooyiga Kuuriya.

Si ka soo horjeeda falanqeeyayaasha badan (iyo runtii wakaaladda basaaska ee Kuuriyada Koonfureed), Dr Howell ma rumaysna in Kim Ju Ae loo diyaarinayo inuu noqdo hogaamiyaha xiga.

Wali waa ay yartahay gabadhiisa laakiin Kim Jong Un walaashiisa, Kim Yo Jong, waxay leedahay khibrad dheeraad ah sidoo kalana waxay xiriir wanaagsan la leedahay dadka caanka ah, taas oo ka dhigi karta mid ay u badan tahay inay u tartanto inay beddesho walaalkeed.

“Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi waxaa lagu arkayaa isaga iyo inantiisa yar marka ay gantaallada soo ridaan, marka ay joogaan xafladaha ama ciyaaraha kubadda cagta sababtoo ah waxa uu rabaa in loo arko nin qoys leh ahna hoggaamiye wanaagsan,” Dr Howell ayaa aaminsan.

4. Sidee Kim Jong Un u maareeyaa in uu ku noolaado nolol raaxo leh iyadoo waddanku aad u sabool yahay?

Kuuriyada Waqooyi iyo hogaamiyaheeda ayaa wajahaya cunaqabateyn adag oo ay ku soo rogeen Qaramada Midoobay iyo wadamada reer galbeedka muddo sanado ah, sababo la xiriira horumarinta hubka nukliyeerka iyo gantaalada ballistic-ga.

Balse Dr Howell ayaa sheegay in Kim Jong Un uu samaynayo wax walba oo uu kaga baxsan karo cunaqabataynta saaran.

“Waddanku waxa uu leeyahay sanduuq yar oo si gaar ah loogu talagalay in uu isticmaalo talisku. Kim waxa uu doonayaa in uu arrintan sii wado maadaama uu doonayo in isaga iyo qoyskiisa ay sii wataan qaab nololeedkooda raaxada.”

Waxaa jira shabakado wadamo ah kuwaas oo doonaya in ay Kuuriyada Waqooyi lacag siiyaan, Dr Howell ayaa aaminsan.

“Dadku waxay inta badan u maleynayaan in Kuuriyada Waqooyi ay tahay waddan go’doonsan oo aan lahayn internet, waxay leedahay internet ay dowladdu maamusho, dagaalka internetkana wuxuu noqday istaraatiijiyad muhiim ah: Maamulka Kim wuxuu jabsadaa nidaamyada kombuyuutarrada dalalka kale si uu u xado lacag oo uu ugu maamulo dhaqaalihiisa iyo barnaamijka nukliyeerka,” ayuu yiri Dr Howell.

5. Kim Jong Un ma daneeyaa dadkiisa?

Khudbad uu ka jeediyay dhoola-tus ciidan oo dhacay 2020 ayaa na tustay dhinac ka duwan kan lagu yaqaanay Hogaamiyahan Sare.

Wuxuu uga mahadceliyay ciidamadiisa dadaalka ay uga hortagayaan musiibooyinka dabiiciga ah ee u dambeeyay. Hal mar ayuu ilmada iska tiray isagoo ka hadlaya halgankii dalka soo maray. Waxay ahayd dareen naadir ah oo uu sameeyay hoggaamiye Kuuriyada Waqooyi ah.

Dadka wax indha indheeya ayaa soo jeediyay in laga yaabo in uu isku dayo in uu muujiyo adeyg xitaa iyadoo uu dalku wajahayo dhibaato dhaqaale oo isa soo taraysa.

Laakiin baaritaanka lagu sameeyay qaab nololeedka quruxda badan ee hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa muujinaya caksigeeda.

Kim Jong Un waxa uu sii wataa caado ah in uu masaafo dheer ku safro tareeno qaali ah, oo soo uu bilaabay Kim II Sung – awoowgiis.

Dadka ku nool Kuuriyada Waqooyi ayaa BBC-da u sheegay in cuntadu ay aad u yar tahay taas oo sababtay in deriskooda ay gaajo u dhinteen. Khubarada ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay tii ugu darneyd tan iyo sagaashamaadkii.

Maxay tani ka oranaysaa mudnaanta Kim?

“Waxa uu rabaa oo kaliya in uu ilaaliyo maamulka iyo hoggaankiisa dulmiga iyo macangaga ah. Uma eka in uu danaynayo 26-ka milyan ee qof ee dalkiisa,” ayuu yiri Dr Howell.

BBC SOMALIA

WARARKA