spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Deni wax maka beddelli doonaa khilaafkii kala dhexeeyay dowladda federaalka Soomaaliya.

isniin jan-8 2024-{HMC} Madaxda Puntland marka laga reebo madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ma jirin madaxweyne marka uu dhamaaday muddo xileedkiisa markale soo laabto. Madaxweyne Saciid Cabdullahai Deni wuxuu soo afjaray diwaankii halka mudda xileed ay joogi jireen madaxdii isaga ka horeysay.

Muddo xileedkiisii hore waxaa jiray caqabado badan oo uu la soo kulmay, Waxaana ka mid ahaa khilaafka gudaha maamulkiisa iyo kan dowaladda federaalka.

Inta uu soo shaac bixin khilaafka kala dhexeeyay madaxweyne Saciid Cabdullahai Deni dowladda federalka ah, waxaa laga dareemayay hadaladii uu ka jeediyay magaalada Garowe bishii Maarso sanadkii tagay, wuxuuna ka sheegay haddii la rabo in xal laga gaaro dhamaan dhinacayda Soomaalida ay isku yimaadaan oo si dhab ah loo wadahadlo.

 

Wuxuu ku eedeyay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku takri fal awoodeed oo uu ku hayo xafiiska raysal wasaaraha, wuxuuna intaa ku daray in Puntland ay si gooni ah u qabsan doonto howlaheeda tan iyo inta laga helayo wax heshiis lagu wadayahay.

Madaxweyne Deni intii uu ku jiray ololaha doorashada waxaa khudbooyinkiisa ku jiray hadalo uu kaga horjeeday dowladda federalka isagoo toos ugu dhaliilay madaxda dowladda in ay dimuqraadiyadda diidan yihiin.

“Waxaa maanta cadaatay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxay isu raaceen in ay dimuqraadiyadda diidan yihiin oo ay la dagaallamayaan” ayuu ka sheegay fagaare uu kula hadlayay taageerayaasha xisbigiisa.

Dr Cabduweli Maxamed Gurey oo ka faalooda siyaasadda Soomaaiya kuna sugan London ayaa BBC u sheegay in dhowr arrimood oo waaweyn ay horyaalaan

“Waxbadan oo laysku hayo ayaa jira,waxaana laga doonayaa dowladda madaxweyne Deni in xal ay ka gaarto”

Sidoo kale Dr. Cabduweli wuxuu sheegay in waxyaabaha ugu waaweyn ee taagan ay yihiin in wadahadallo loo baahan yahay.

‘‘Puntland ma ahan jasiirad gooni ah waxay ka tirsan tahay dowladda federalka, waxaan aaminsanahay in waxyaabaha ugu waaweyn ee loo baahan yahay ay ka mid yihiin in la sameeyo waxbadan oo wadashaqeyn oo labada dhinaca iyo in la wadahadlo”.

Arrimaha kale ee horyaala waxaa ka mid ah halka uu ku dambeynayo mustaqbalka SSC-Khaatumo waana waxa ugu weyn ee horyaal madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntand Siciid Deni, ayaa hore ugu baaqay SSC Khaatumo in ay wax la qeyb sadaan maamulka Puntland.

“Aragtidooda waxaan aaminsanahay in ay doonayaan inay noqdan maamul madaxbanaan oo Puntland dhinac deggan oo walaalo ah”.

Madaxweyne Deni muddo ayuu siyaasadda ku soo jiray wuxuu hore dowaladda dhexe uga soo noqday wasiir ka hor inta uusan Puntland madaxweynaha ka noqon.

Agaasimaha Mac-hadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage Mursal Maxamed Saney ayaa ku tilaamay khilaafka u dhexeeya Deni iyo madaxweyne Xasan Sheekh in uusan aheynd mid shaqsiyadeed ee uu ku saleysan yahay kala duwanaasho aragti

Waxyaabaha ugu weyn ee laysku khilaafay waxaa ka mid ah nidaamka hoggaanka dalka, dhameystirka dastuurka iyo awood qeybsiga.

“Madaxweyne Deni isaga ayaa laga rabaa in reer Puntland uu la heshiiyo, waxaana laga rabaa isagoo khibradiisa hore ka faa’ideysanaya in tanaasul yimaado, dowladda dhexena sidaas oo kale ayaa laga rabaa iyadoo la eegayo maslaxada dalka”.

In labada dhinaca ay wadahadlaan ayaa sal u ah in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed sida ay qabaan kuwa siyaasadda ka faalooda.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni waxyaabaha kale ee horyaala waxaa ka mid ah in uu mideeyo siyaasiyiinta maamulkiisa nidaamka doorasho isku khilaafay

“Maadama uu guuleystay isagoo laga doonayaa in uu guryaha dadka ugu tago oo ku qaniciyo sidii hore loogu sii socon lahaa”. ayuu yiri Saney.

Xigasho BBC

WARARKA