isniin jan-8 2024-{HMC} Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa dhambaal
hambalyo ah u diray Madaxweynaha mar kale dib loo doortay ee Dowlada Puntland Mudane
Saciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland in Alle uu ku
guuleeyo Masuuliyada cusub ee loo doortay.
Waxaa Madaxweynahu uu ku bogaadiyay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida
nabada iyo wadajirka leh ee ay ku qabsoontay doorashada madaxtinimada Puntland.