spot_imgspot_imgspot_img

Intee Ayuu ku dambeeyay xiriirkii Madaxweynaha Dalka Eritrea iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya?

isniin jan-8 2024-{HMC} Xiriirka u dhexeeya Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afawerki ayaa sanadkii 2018-kii dad badan ka yaabiyay, balse waxaa jiro cadeymo kala duwan oo hadda muujinaya in saaxiibtimnmada labada hoggaamiye aysan ahayn sidii hore oo kale kadib heshiiskii Pretoria ee Abiy iyo kooxda Tigray.

Booqashadii bishii Nofembar 2018, Dr Abiy ee Asmara waxay farxad iyo rajo weyn ku abuurtay shacabka labada dal iyo dadka caalamka.

Xilligaas, ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa yiri “wax badan ayaan ka aqaan Madaxweyne Isaias Afawerki, waxaana qiyaasi karaa inuu ixtiraam iyo jacayl gaar ah u hayo dadka Itoobiya,”ayuu yiri Abiy.

Madaxweynaha Eritrea oo aan waligiis soo bandhigin qoyskiisa ama qaab nololeedkiisa ayaa ku casuumay gurigiisa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo wafdigiisa si ay ugu soo qaxweeyaan waqtigaas sida warbaahinta ay tabisay.

Dhankiisa, markii Madaxweyne Isaia uu 20 sano ka dib booqday Addis Ababa 15-kii bishii Luuliyo 2018 si weyn ayay u soo dhaweeyeen dadweynaha reer Itoobiya oo aan la filayn taasoo noqotay mid dad badan ay aad u hadal hayaan.

 

“Way igu adag tahay in aan cabbiro dareenkayga taariikh ayaa sameeynaynaa waxaa naga go’an in aan meel iska dhigo shirqoolka nacaybka, ciilka iyo burburka dhexdeenna lagu faafinayo, waa in aan diiradda saarnaa horumarka, barwaaqo iyo xasilloonida dadkeenna iyo dalkeenna” ayuu yiri Isaias, Madaxweynaha Eritrea oo khudbad u jeedinayay dadkii soo dhaweeyay.

Labadii sano ee ugu horreysay ee uu ra’iisul wasaare Abiy uu xilka hayay, waxay labada hoggaamiye Addis Ababa iyo Asmara ku kulmeen ugu yaraan 14 jeer.

Waa sidee heerka xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal?

 

Sammaree Risom, oo loo magacaabay safiirka Eritrea u fadhiya Itoobiya sanadkii 2018, wuxuu dalka Itoobiya ka dhoofay Febraayo 2022 “maadaama uu waqtigiisa xafiiska ka dhammaaday.”Danjire Sammare oo soo noqday wasiirka waxbarashada ayaa tan iyo markii uu dib ugu laabtay dalka Eritrea aan lagu arkin fagaarayaasha siyaasadda.

Sidoo kale, Itoobiya ma aysan dirin safiir kale ka dib markii Ridwan Xuseen oo ahaa safiirka Itoobiya ee Asmara uu dalkiisa dib ugu soo laabtay.

Inkastoo aan si cad loo ogeyn heerka uu marayo xiriirka rasmiga ah ee labada dal, balse duulimaadyada Ethiopian Airlines oo bilowday 2018-kii ayaa sii socda.

Xuduudaha labada dal oo muddo koona la furay ayaa dib loo xiray siddeed bilood gudahood.

Isaga oo aan ku faraxsanayn heshiiska Pretoria, Madaxweyne Isaias ayaa markii ugu dambeysay booqday Itoobiya bishii Oktoobar ee sanadkii 2020.

Booqashadii xilligaas oo qaadatay saddex maalmood ayuu Madaxweyne Isaias kusoo kormeeray biyo xireenka Itoobiya ee wabiga Niil.

Ka dib heshiiskii nabadeed ee Pretoria, wafdi uu hogaaminayo taliyaha amniga qaranka Eritrea jenaraal Abraham Kassa ayaa booqday Itoobiya horraantii Abriil.

Ra’iisul Wasaare Abiy iyo Madaxweyne Isaias ayaa markii ugu dambeysay kulmay 12 bishii Luuliyo 2023 markaasoo madaxda Suudaan ay isugu tageen Masar si ay uga wada hadlaan dagaalka ka socda Khartoum.

La-taliyaha dhanka amniga qaranka ee ra’iisul Wasaaraha,Itoobiya Danjire Ridwaan Xuseen, ayaa xilligaas sheegay in “labada hoggaamiye ay ballan qaadeen inay wada-hadallo kale oo laba geesood ah yeelan doonan kadib marka madaxweynaha Eritrea uu booqdo Magaalada Adis-abab.

Xigasho BBC

WARARKA